Kylian Mbappe oo ku wajahan Man Utd: Sidee United safi kartaa haddii ay dhameystirto heshiiskaan aadka u weyn

Kylian Mbappe oo ku wajahan Man Utd: Sidee United safi kartaa haddii ay dhameystirto heshiiskaan aadia u weyn.
Manchester United ayaa lala xiriirinayaa inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqeyso xiddiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Manchester United ayaa lala xiriirinayay inay la soo wareegeyso Kylian Mbappe iyadoo xiddiga reer France lagu soo waramayo inuu u sheegay Paris Saint-Germain inuu ka tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa ah koox kale oo la sheegay inay xiiseyneyso weeraryahanka.

PSG ayaa gaartay finalka Champions League xilli ciyaareedkii hore iyo sidoo kale ku guuleysatay Ligue 1.

21 jirkaan ayaa urursaday 30 gool 19 kalena caawiye ka ahaa kaliya 37 kulan oo uu saftay.

Mbappe ayaa awoodi waayey inuu ka caawiyo PSG inay dab qabadsiiso kooxdii difaacatay Jarmalka ee Bayern finalkii UCL.

Haatan, The Times ayaa sheegeysa in Mbappe uu ku wargaliyay agaasimaha isboortiga PSG Leonardo inuu doonayo inuu ka tago Parc des Princes muddo sanad ah gudaheed.

Mbappe Waxa uu kula jiraa qandaraas ilaa 2022 ah sidoo kale suuqa xagaaga soo socda ayaa noqon doona fursadii ugu dambaysay ee ay kooxda PSG ku keento lacag aad u badan adeega xiddiga reer France ilaa uu qalinka ku duugo heshiis kordhin ah.

Wararka ayaa sheegaya in Real Madrid iyo Barcelona ay labadoodaba eegi doonaan Mbappe madaama ay rajeynayaan inay kujiraan xaalad dhaqaale.

Superstar-ka ayaa sidoo kale soo dhaweyn doona xiisaha United, waxaana uu durbaba ka hadlay sida uu u jecel yahay tababaraha Liverpool Jurgen Klopp.

Bishii Janaayo, Mbappe wuxuu yiri: “Waxa ay Liverpool sameyso xilligan waa wax cajiib ah.

United Sidee U Safi Doontaa Line Up-keeda.?

Mbappe wuxuu sidoo kale ka ciyaari karaa labada baal taasoo la micno ah Mason Greenwood iyo Marcus Rashford inay isku beddeli karaan horay iyo garabka kale.

Isaga gadaashiisa qadka dhexe wuxuu umuuqdaa mid aad u cajaa’ib leh xidigaha kala ah Bruno Fernandes, Paul Pogba iyo shaqsiga cusub ee cusub ee Donny van de Beek ayaa shaqo culus ka fulin doono garoonka.

Post a Comment

0 Comments